Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir Cilmiyeedkii 1-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliya kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 150 Xirfadlayaal Caafimaad oo isugu jiray Dhakhaatiir Lafaha, Dhakhaatiir ka kala socotay Ururada kale ee Caafimaadka, Wasaarada Caafimaadka, Shirkadaha Qalabka Lafaha iyo Caafimaadka.
Waxaa shirka lagu soo bandhigay ku dhawaad 50 Cilmi baarisyo Caafimaad kala duwan oo ay soo jeediyeen Dhakhaatiir Soomaali iyo Ajaanib ah oo qaar kalana ay habka fogaan araga uga qayb galeen.
Waxaa shirka Furay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Dr.Marian iyadoo Wasiirku xooga saaray Mudanaanta ay leedahay Ka hortaga iyo Daaweynta Dhaawacyada iyo Xanuunada Lafaha.
Gabagabadii, ayaa Gudoonka cusub ee Ururka waxay iclaamiyeen in Shirka 2-aad ee Ururka la qaban doono 5-ta iyo 6-da June 2025.